OYSU is the peak youth advocacy body currently monitoring, reporting and educating individuals and agencies on the violations and abuses committed by the Ethiopian government against Somalis living in the occupied Ogaden.

© OYSU 2017. All rights reserved.

OYSU Eritrea oo shirkoodi bilaha aha isugu yimid

Waxaa shirkoodii billaha isu yimid ururka OYSU-ERITREA taariikhdu markay ahayd 06/05/2018

Shirka waxaa daadihinayey xoghaye Ku xigeenka urur Halgame Ahmed Sh.Hussein , ugu horaynba waxaa Ku soo dhaweeyey hogaanka dhaqaalaha ururka Halgame Ahmed Abdi oo Halkaa Ka soo jeediyey wacdi Diini ah oo aad u qiimo badan, intaa Ka dib waxaa lagu soo dhaweeyey Ku xigeenka hogaanka qorshaynta, cilmi-baarista iyo kaydinta hantida ururka Halganto Rahma Mohammed oo meesha Ka soo jeedisay Maqaal Meelo badan taabanaya gaar ahaan Halganka iyadoo qeexday muxuu yahay halgan iyo Tix yar oo Halganka Ku saabsan, intaa Ka dib waxaa lagu soo dhaweeyey Halgame Amiin Abdullahi kaa soo isna meesha Ka soo jeediyey warbixin kooban oo Ka wadanka Ogadenia Ka waramaysa gaar ahaan gudaha wadanka xaalada Ka jirta iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey, ugu dambeyn waxaa lagu soo dhaweeyey Xoghayaha Ururka Halgame Mahad Hussein asoo shirka Ka soo jeediyey khudbad Meelo badan taabanayso isla markaana uga warbixiyey shirkii uu Ka qayb galay ee u dhaweeyey Faracyada OYSU-AFRIKA , XIDHIIDHIYAASHA & GOLAHA CUSUB EE (CALAN-SIDE) waxyaabihii looga hadlay iyo go'aamadii Ka soo baxay isla markaana sidii loo fulin lahaatahay ugu dambeyn Xoghayaha oo Ku booriyey Golahiisa Fulinta iyo Guud ahaan ururka in ay howlahooda sii laban laabaan iskana jiraan dabinada uu maleegayo nacabka Gumaysiga iyo Dhidid dhoorkiisa(Dabadhilifyada).

 

Shirkaas oo Ku soo dhammaaday jawi dagan oo farxad Ku dheehan tahay .

OYSU-ERITREA.

 

 

 

Tags:

Share on Facebook
Share on Twitter
Please reload