OYSU is the peak youth advocacy body currently monitoring, reporting and educating individuals and agencies on the violations and abuses committed by the Ethiopian government against Somalis living in the occupied Ogaden.

© OYSU 2017. All rights reserved.

OYSU IFO iyo Bandhig Faneedkii isla Magalada IFO

November 24, 2017


Ururka dhalinyarad iyo ardayda soomaalida Ogaadeniya (OYSU) faraciisa IFO  ayaa maanta kaqayb galaya munaasabad balaadhan oo bandhig faneed ah oo lagu qabanayo  isla xerada IFO.
Munaasabada ayaa hada sitoos ah usocotay ilaa galabtii waxaana siwayn uga dhaxmuuqda ururka dhalinyarada OYSU faraciisa IFO oo soo bandhigay wajigii hore ee barnaamijkooda ay ugusoo tala galeen in ay kaga qayb galaan bandhigan ballaadhan ee ay kaysoo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan

Munaasabadan oo ay sooqaban qaabisay hay’ada Danish Refugee Council DRC ayay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan xerada Ifo, ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo ay qoomiyad walba kusoo bandhigaysay hidaha iyo dhaqanka ay gaarka uleeyihiin.

Ururka OYSU oo munaasabada kumatalayay shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa soobandhigay riwaayado, dhaantooyin iyo heeso cajiib ah oo gabi ahaanba katurjumayay hidaha iyo dhaqanka ugaarka ah shacabka Soomaalida Ogadenia kuwaas oo bulshadii goobta timid ay siwayn ula dhaceen.

Kooxda kasocotay ururka OYSU oo ahayd kooxda Ay dadku aadka ujeclaysteen bandhigooda ayaa isla goobta lagaga dhawaaqay in ay iyagu kusoo baxeen kaalinta 1aad ee tartanka bandhiga loogu talo galay.

Ugu dambayntii munaasabada ayaa kusoo idlaatay si nabad ah iyadoo ay dadku hadal hayeen kooxda OYSU iyo wacdarihii munaasabada ay kadhigeen.

 

 

 

 

Tags:

Share on Facebook
Share on Twitter
Please reload